Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo qabatay xuska maalinta Caalamiga ah ee Kansarka  

Date:

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay xuska maalinta Kansarka adduunka.

Munaasabaddan oo uu furey Agaasimaha Waaxada Caafimaadka guud ee Wasaaradda Caafimaadka mudane Mukhtaar Shube, waxaana kasoo qeyb galey agaasimayaal ka tirsan Wasaaradda Caafikaadka xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hey’adaha ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka ee ka howlgala Soomaaliya, wakiilo ka socdey Isbitaalada dalka, Dhakhaatiir, aqoon yahan iyo marti sharaf kale.

Yoolka maalintan ayaa ahaa in la dhiirri geliyo lana xasuusto dhibanayaasha cudurkan noocyada badan, waxaa kale oo looga dan leeyahay xuska maalintan in la sameeyo wacyi gelin la xiriirta khatarta cudurka, astaamaha lagu garto iyo sida ugu habboon ee ah in wakhti hore la oggaado, ku dhawaad 8 Milyan oo qofood ayaa u dhinta cudurkan sanad kasta, waana sababta abuureysa walaaca iyo walwalka ugu badan ee laga qabo xanuunkan, dhibanayaasha ugu badan ee cudurka waxaa la tilmaamaa inay yihiin dadka ku nool miyiga oo aan helin inta badan daryeel Caafimaad.

Goobta ayaa lagu soo bandhigey warbixinno ka looga hadlayey heerka xanuunkan iyo saameynta uu ku leeyahay bulshadeena iyadoo warbixinnadu ay barbar socdeen farriimo wacyi gelin ah oo ka qeyb qaadanaya ka hortagga iyo yareynta xanuunkan dunida oo dhami la daalaadhaceyso.

Khubarada iyo mas’uuliintii kasoo qeyb gashey munaasabadda xuska maalinta caalamiga ah ee cudurka Kansarka waxay ka wada dhawaajiyeen in si dhow ay bulshada ula socoto farriimaha ka imaanaya Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale hey’adaha ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka, iyadoo la raacayo tilmaamaha si loo badbaadiyo bulshadeenna.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...