Duqa Caasimadda oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sacuudi  

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Bin Axmed Almuwallad, iyaga oo kawada hadlay xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac.

Kulankan oo uu goob joog ka ahaa Gudoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa looga hadlay qodobo ay kamid sidii loo dardargalin lahaa taageerada mashaariicda lagu horumarinayo Caasimadda, Shaqa abuurka dhallinyarada, hirgalinta xarumaha farsamada gacanta iyo dib u cusbooneysiinta heshiis-yadii horey loo galay ee la xariiray iskaashiga iyo wax is dhaafsiga ee Muqdisho iyo Magaalooyinka Sacuudi Carabiya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Sacuudi Carabiya door keeda muuqda ee ku aadan garab istaaga Dowladda Soomaaliya iyo taageerada mashaariicda horumariineed ee Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Washington, DC: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

WAR SAXAAFADED. FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn...