R/W Xamse “Tallaabo ayaa laga qaadi doonaa cid kasta oo dhib u gaysata haweenka Soomaaliyeed”

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Haweenka Soomaaliyeed ay door muuqda ku leeyihiin Xukuumadda DanQaran, dhawaana ay heli ka heli doonaan xuquuqda ay ku leeyihiin Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha iyo hey’adaha kala duwan ee dowladda.

Mudane Xamsa, ayaa hoosta ka xarriiqay in uusan xil ka hayn doonin Xukuumadda DanQaran, masuul walba oo ku xadgudba xaquuqda dumarka Soomaaliyeed, isaga oo intaas ku daray in xukuumaddu ay ansixisay sharciyadii lagu ilaalinayey xuquuqda haweenka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha, oo xusay kaalinta ay haweenku ku leeyihiin dowlad-dhiska iyo tayeynta hey’addaha Qaranka, ayaa ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka laga qabanayo, si ay u soo doortaan dumarkooda aqoonta leh ee wax u taraya dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri “Haweenku waa laf-dhabarta Qarankeennu ku tiirsanaa waqtiyo adag oo la soo maray, sidaas awgeed, waxaan doonaya in aan u mahadceliyo, kuna dhiirrigeliyo dedaalkooda naf-hurnimada ah iyo shaqada culus ee ay dalkooda u hayaan”.

Ra’iisul Wasaaraha, oo ku boggaadiyey haweenka Soomaaliyeed kaalintooda muhiimka ah ee ku aaddan dowlad-dhiska, ayaa ugu baaqay shirkadaha gaarka loo leeyahay in ay fursad siiyaan haweenka aqoonta leh, si kor loogu qaado shaqo abuurka iyo awoodsiinta dumar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...