Hay’adda SoDMA oo gargaar gaarsiisay Qoysas danyar ah oo ku suugan duleedka Guriceel

Date:

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), ayaa gargaar raashin ah u qeybisay qoysas danyar ah oo ku sugan ceelka Daboole, duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo uu saameeyay abaarta La Nina.

Qoysaskan ayaa ka kooban danyar agoonta iyo dad kale oo wajahaya dhibaatooyinka abaarta ee ka jirta dalka, gaar ahaan gobollada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Gargaarka La Gaarsiiyay Qoysaska Qoysaskii gargaarkan la gaarsiiyay ayaa u mahadnaqay Hay’adda SoDMA, iyagoo sheegay in gargaarka raashinka ee loo keenay uu yimid xilli ay baahi ba’an u qabeen, islamarkaana ay daalaa-dhacayeen sidii ay u heli lahaayeen cunto iyo biyaha lagama maarmaanka u ah nolosha. Qaar ka mid ah qoysaskaas ayaa sheegay in abaarta La Nina ay si weyn u saameysay noloshooda, iyagoo ku tilmaamay gargaarka xilli muhiim ah oo ay aad ugu baahnaayeen.

Hay’adda SoDMA,ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlo raashiin qaybin ah ka waday degaanno kala duwan oo ka tirsan gobollada dalka, iyadoo mudnaanta siinaysa goobaha ay ku dhufteen abaaraha iyo daadadka, sidoo kale degaannada laga xoreeyay khawaarijta.

Abaarta La Nina ee ka jirta dalka Soomaaliya ayaa noqotay mid saameyn weyn ku yeelatay nolosha dadka ee ku nool gobollada qaar, gaar ahaan degaannada ku teedsan bari iyo koonfurta Soomaaliya. Qoysas badan, ayaa ku waayay xoolo, beeraha ayaa ku gubtay, waxaana inta badan dadkaasi ay wajahayaan macluul iyo biyo la’aan.

Hay’adda SoDMA ayaa sidoo kale ka shaqeyneysa sidii loo xoojin lahaa gargaarka deg-degga ah, iyadoo qorsheynaysa in la kordhiyo gargaarka raashinka iyo biyaha ee loogu talagalay qoysaska ay abaartu saameysay. Waxaa sidoo kale la rajeynayaa in gargaarkaasi uu ka caawin doono dadka inay ka baxaan xaaladaha adag ee ay ku jiraan, iyo inay helaan fursado cusub oo ku aaddan badbaadinta noloshooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...