MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KAMPALA KAGA QEYB-GALAY SHIRKA CAALAMIGA AH EE HORUMARINTA BEERAHA EE AFRIKA (CAADP)

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo uu kaga qeyb galay Shirka Sare ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha Afrika (CAADP).

Madashan oo maalmahan ay fadhiyeen Wasiirrada Beeraha dalalka Afrika ayaa haatan Madaxdu waxay ka wada hadleen fulinta qorsheyaasha iyo talooyinka la soo saaray ee ku aaddan horumarinta wax soo saarka beeraha, kor u qaadista dhaqaalaha iyo xaqiijinta amniga cunno ee Qaaradda Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka ayaa soo bandhigay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in la horumariyo wax soo saarka beeraha iyo in laga faa’iideysto kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa kulan-doceedyo la qaatay dhiggooda dalalka ka soo qeyb-galaya shirkan, si loo xoojiya doorka diblumaasiyadeed ee dalkeennu uu ka qaadanayo Qaaradda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijtii lagu jebiyay Degmada Ceeldheer

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka...

Ramla Cali oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay kadib guulo ay kasoo hoysay feerka caalamiga ah

Ramla Saciid Axmed Cali, oo ah gabadhii ugu horreysay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qeybgalaya shir heer wasiir oo ka socda Dooxa

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya,...

Dib-u-furista Xarumaha Diiwaangelinta Dadweynaha ee Gobolka Banaadir

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha (GMDQS)...