MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KAMPALA KAGA QEYB-GALAY SHIRKA CAALAMIGA AH EE HORUMARINTA BEERAHA EE AFRIKA (CAADP)

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo uu kaga qeyb galay Shirka Sare ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha Afrika (CAADP).

Madashan oo maalmahan ay fadhiyeen Wasiirrada Beeraha dalalka Afrika ayaa haatan Madaxdu waxay ka wada hadleen fulinta qorsheyaasha iyo talooyinka la soo saaray ee ku aaddan horumarinta wax soo saarka beeraha, kor u qaadista dhaqaalaha iyo xaqiijinta amniga cunno ee Qaaradda Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka ayaa soo bandhigay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in la horumariyo wax soo saarka beeraha iyo in laga faa’iideysto kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa kulan-doceedyo la qaatay dhiggooda dalalka ka soo qeyb-galaya shirkan, si loo xoojiya doorka diblumaasiyadeed ee dalkeennu uu ka qaadanayo Qaaradda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...