Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Date:

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa booqasho shaqo ku jooga Magaalada Qaahira ee Caasimadda Masar, wuxuuna la kulmay dhiggiisa dalka Masar, General Abdul Majeed Saqr.

Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan iskaashiga militari iyo amniga ee labada dal. Waxaa sidoo kale la isla gartay sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo wada-shaqeynta u dhaxeysa Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan dhinacyada tababarada ciidanka, qalabka militari, iyo taageerada guud ee la siin karo Soomaaliya.

Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale uga mahadceliyay dowladda Masar taageerada ay sii wadaan ee ku aaddan ammaanka iyo horumarka Soomaaliya. Kulankaan ayaa qeyb ka ah dadaallada xukuumadda Soomaaliya ee ku aaddan sidii loo xoojin lahaa xiriirka caalamiga ah iyo iskaashiga amni ee ay la leedahay waddamada gobolka iyo caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing.

1- After more than half a century, the Somali...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Muddo ka badan nus qarni kadib , shacabka...

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika oo hambalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC), Mudane Maxamuud Cali Yuusuf,...

Baarlamaanka Carabta oo soo dhaweeyay doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Mudane Maxamed bin Axmed Al-Yamaaxi, ayaa...