Wasiirka Kheyraadka iyo Dalxiiska Tanzania oo Soomaaliya soo gaartay

Date:

Wasiirka Kheyraadka iyo Dalxiiska ee dalka Tanzania Dr. Pindi Chana ayaa maanta soo gaartay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzania Danjire Ilyaas Cali Xasan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimaha Waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Cabdulqaadir Maxamuud Yuusuf iyo masuuliyiin kale.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale oo warbaahinta kula hadlay garoonka ayaa sheegay in Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wasiirka Kheyraadka iyo Dalxiiska Tanzania Marwo Pindi Chana ay Muqdisho ku kala saxiixa doonaan heshiis ku saabsan horumarinta iyo iskaashiga dalxiiska labada dalka ee Soomaaliya iyo Tanzania.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa...

Wasiir Xasan Macallin “Maxkamaduhu waxay xaq u leeyihiin inay ka garnaqaan doorashada”

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Shacabka ugu Baaqay Qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General...

Wasiirka Maaliyadda oo soo dhaweeyay Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah Dowladda Sweden

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...