Hay’adda USAID oo Mashruuc looga hortagaayo cunno yarida ka daah furtay Muqdisho 

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, Maxamuud Macalin Cabdulle oo ay wehliyaan ku xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahna Iskuduwaha Gargaarka Bini’aadanimada George Conway iyo madaxa hay’adda USAID, ayaa Muqdisho uga qeybgalay daah furka mashruuc ay fulinayso Hay’adda USAID .

Mashrucaan oo ay ku ka cayso lacag dhan $29 Milyan, ayaa waxaa ka faa’iideeysanaya 80,000 oo qoysas Soomaaliyeed ah, waxana uu mashrucaan diiradda sarayaa hagaajinta isku xirnaanta hay’adaha sare u qaadista habka loo maareeyo musiibooyinka, iyo taageerada dadka nugul ee la daaladhacaya cunno yarida, gaar ahaan kuwa ku nool deegaannada ay ka jiraan abaaraha iyo musiibooyinka kale ee dabiiciga ah.

Mashruucan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada ay dowladdu ku xoojinayso ka hortagga iyo wax ka qabashada xaaladaha cunno yari ee ka dhasha masiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa bini’aadannimada ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Garsoorka Masar

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed,...

Madaxweynaha JFS oo Saxiixay Sharciga Xeerka Shaqada Soomaaliyeed 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud,...

Maareeyaha guud ee Hay’adda NIRA oo qaabilay qaabilay Madaxa Hay’adda IOM

Maareeyaha Guud ee Hay'adda Nidaamka Aqoonsiga iyo Rasiidhinta (NIRA),...

Wasiirka shaqada XFS oo qaabbilay wafdi ka socday safaaradda Norway ee Soomaaliya

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Xildhibaan Yuusuf...