Xuska Maalinta Caalamiga Ah Ee Xuquuqul Insaanka oo Muqdisho lagu qabtay

Date:

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa ka qeybgalay Xuska Maalinta Caalamiga Ah Ee Xuquuqul Insaanka Iyo Sanad Guurada 76-aad Ee Baaqa Caalamiga Ah Ee Xuquuqul Insaanka, taas oo lagu qabtay xarunta Tiyaatarka Qaranka.

Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka hadlay munaasabadda Xuska ayaa ku dheeraaday ka hadalka muhiimadda ay leedahay Maalintan wayn, isagoo tilmaamay Xoriyada ugu weyn ee qof uu leeyahay inay ka mid tahay inuu codkiisa ku doorta madaxda Dalkaan hogaaminaysa.

Dhankiisa wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Maxamad El-Aamin ayaa Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyey Meel-Marida Sharciga Naafada Xuquuqul Insaanka.

Ku-xigeenka Wakiil Qaramda midoobay iyo Arrimaha Bi’niaadinimada Goerge Connway oo hadlay munaasabadda Xuska Maalinta Caalamiga Ah Ee Xuquuqul Insaanka ayaa sheegay in maalintani ay qayb ka tahay 16-Maalin ee u qareemida xuquuda Aadanah.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeybgalay wasiirro ka tirsan XFS oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Isgaarsiinta Mohamed Soomaali, Wasiirka Qayska Bashiir Mohamed Jaamac oo ay wasaaradiisa soo qabanqaabisay, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, Marti sharaf kale iyo qaybaha kale duwan ee bulshada.

Maalinta Xuquuqul Insaanka ayaa la xusaa sanad walba 10ka Disembar – waana maalintii Golaha Loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay Baaqa UDHR sannadkii 1948. Baaqa UDHR wuxuu ku dhawaaqayaa/qeexayaa xuquuqda lama taabtaanka ah ee uu qof kasta u leeyahay baniaadan ahaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi...

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda XFS oo kulan la qaatay wasiirka qoyska iyo adeegyada bulshadda ee dalka Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Prof....

Dowladda koonfurta Sudan oo si adag u taageertay ilaalinta midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed ayaa si rasmi ah u...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...