Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo booqday Machadka Daraasaadka Cilmi baarista Amniga Serbia

Date:

Wasiirka Amniga Gudaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil – Fartaag oo ku guda jira booqashadisii Belgrade Serbia ayaa shalay booqday Machadka Daraasaadka Cilmi baarita Amniga Dunida, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Tiknoolajidda ee Vlatacom.

Madaxda Machadka Vlatacom Dr. Vladimir Cizelj ayaa Wasiirka ka siiyay warbixin guud shaqada ay u xilsaaranyihiin iyo xiriirka Machadka uu la leeyahay in ka badan 96 dal oo uu Machadku la shaqeeyo.

Machadka Vlatacom ee Serbia oo qabta hawlo aad u fara-badan ayaa Dowladda Soomaaliya u soo bandhiga fursado ay Soomaaliya u baahan tahay oo wax weyn ka tari doono Dowlad dhiska dalkeenna, waxaana Wasiirka la tusay howlaha ka socda xarunta Vlatacom, sidoo kale waxaa lagu wareejiyay warqado (documents) uu ka xulan doono baahida hortabinta leh ay u qabaan shaqada khibradda iyo Machadka Vlatacom uu bixiyo.

Wasiirka Amniga Gudaha General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil – Fartaag ayaa mahad balaaran u celiyay Dowladda Serbia iyo dhamaan Madaxda kala ee uu kula kulmay magaalada Belgrade Serbia.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisulwasaare Xamse oo caawa tegay goobaha lagu nasto ee magaalada Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Ciidanka Xoogga Dalka oo fashiliyay weerar Khawaarijta kusoo qadeen Wargaadhi.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka, ayaa fashiliyey...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing.

1- The Federal Republic of Somalia expressed thankfulness to...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday.

1- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa mahadnaq ballaaran u jeedisay...