Taliyaha Ciidanka Boliiska oo cambaareeyay dhibkii loo geestay Askari ka tirsan Boliiska

Date:

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay falka xadgudubka ah ee ay qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u geysteen askar ka tirsan ciidanka boliiska, xilli ay gudanayeen waajibaadkooda shaqo.

Waa arrin aad loola yaabo in xubno sharci-dejiyaal ah oo metelaya shacabka ay ku kacaan fal noocan ah, oo dhaawacaya sharafta hay’adaha ammaanka iyo ilaalinta sharciga.

Taliska Boliiska Soomaaliyeed wuxuu bogaadin iyo dhiirigelin u dirayaa askarta muujisay dulqaad, bisayl, iyo xirfad ay ku maareeyeen xaaladda, iyagoo ka fogaaday falcelin ka baxsan anshaxa shaqadooda.Falkaan xadgudubka ah waxa si rasmi ah loogu gudbin doonaa Guddiga Anshaxa ee Baarlamaanka iyo Xeer Ilaalinta Qaranka si tallaabo sharci ah looga qaado cid kasta oo ku lug lahayd.

Dhinaca kale, Taliyaha Boliiska oo Isbitaalka Madiino ku booqday dhaawacyadaa askartaasi oo lala tacaalayo xaaladda caafimaad, isagoo u rajeynaya bogsiin degdeg ah.

Boliiska Soomaaliyeed waa tiirka ugu muhiimsan ee sugaya nabadda iyo amniga, waana saaxiibka muwaadinka, mar walbana diyaar u ah inuu u adeego bulshada si hufan oo sharaf leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...

Wasaaradda ganacsiga oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soosaarka gudaha

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...