Duqa Caasimadda oo xafiiskiisa ku qaabbilay safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr. Alper Akta, iyaga oo kawada hadlay dardargalinta mashaariicda lagu horumarinaayo Caasimadda.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay Jamhuuriyada Turkiga iyo shacab keeda sida ay had iyo jeer u garab taagan yihiin ummada Soomaaliyeed gaar ahaan fulinta mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha iyo taageerada dhinaca Amniga, sidoo kale Guddoomiye Madaale ayaa Turkiga uga mahadceliyay kaalinta uu ka qaatay dib usoo kabashada Soomaaliya.

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr. Alper Akta ayaa balan qaaday in Dowladda Turkiga ay cusbooneysiin doonto mashaariicda dib udhiska la xariira gaar ahaan dhismaha Wadooyinka, iyo xarumaha danta guud.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),ayaa ka hadlay muhiimada ay u lee dahay dib udhiska Wadooyinka Caasimadda, shaqa abuurka dhallinyarada iyo hirgalinta xaruma lagu daryeelo caruurta darbi jiifta.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda oo gacanta kusoo dhigtay eedeysane baxsada ka ahaa hey’adaha Cadaaladda

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kaashanaya Booliska...

Shir looga hadlayay xoojinta amniga xuduudaha oo Lagu qabtay Muqdisho

Shirka xoojinta amniga xuduudaha dalka ayaa maanta lagu qabtay...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo gaaray Dalka Jabuuti

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka...

Taliska Booliska oo gacanta kusoo dhigay nin lagu eedeeyay inuu xaaskiisa ku dilay toorey

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Saldhigga Garasbaaley ayaa gacanta kusoo...