Dr. Hodan Cusmaan oo nuqulka Aqoonsiga Danjirenimo ku wareejisay Dowladda Shiinaha

Date:

Danjire Dr. Hodan Cusmaan Cabdi, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, ayaa maanta si rasmi ah u gudbisay nuqulka Aqoonsiga Danjirenimo Agaasime Ku-Xigeenka Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Mudane Li Jinjin.

Kulanka oo ka dhacay Wasaaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha ee magaalada Beijing ayaa astaan u ahayd tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha. Danjiraha oo sharaxaad ka bixisay muhiimadda ay u leedahay mas’uuliyadda matalaadda Soomaaliya, ayaa carabka ku adkeysay sida labada dal ay iskaashigooda uga sii faa’iideysan karaan mustaqbalka.

Somalia iyo Shiinaha waa labo dal oo xiriir qotodheer oo taariikhi ah wadaaga, kuna dhisan is ixtiraam iyo wada shaqeyn. Intii uu socday kulanku, Danjiraha iyo Agaasime Ku-Xigeenka ayaa si gaar ah u adkeeyey muhiimadda sii xoojinta iskaashiga labada dhinac, iyagoo isla qaatay in la dardargeliyo qorsheyaasha danaha labada shacab ka dhexeya.

Kulanka oo ku soo dhammaaday si sharaf iyo niyadsami leh ayaa calaamad u noqday bilow cusub oo lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha. Danjiraha ayaa uga mahadcelisay dowladda Shiinaha soo dhaweynta diirran iyo sida ay diyaar ugu tahay inay iskaashi dhow la yeelato Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...