Wasiirka Shaqada oo su’aalo laga waydiyay hindise Sharciyeedka Xeerka Shaqada Soomaaliya 

Date:

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo ay weheliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahin iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde, ayaa shir guddoomiyay kulanka 20-aad ee kalfadhiga shanaad oo ay soo xaadireen soddon sanatar.

Ajandaha kulanka maanta ka koobanaa saddex ajande oo kala ahaa:

1- Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Xeerka Shaqada Soomaaliya.

2- Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Xakamaynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed.

3- Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Hay’adda Sharciyeynta Adeegyada iyo Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed.

Ugu horrayn Guddoomiyaha Guddiga Khayraada Qaranka Aqalka Sare Sanatar Saynab Ismaaciil Maxamed, ayaa dulmartay akhrinta saddexaad ee Hay’adda Sharciyeynta Baaritaanka Beeraha iyo sharciga Xakamaynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed, iyadoo intaas ka dib xubnaha Sanatarrada ay cod gacan taag ahaa ku meel mariyeen labadaas sharci oo dalka muhiimka u ah, sagaal iyo labaatan Sanatar ayaa ogolaatay, wax diday ama ka aamusayna ma jirin.

Ka dib, waxaa loo gudo galay akhrinta 2aaad ee Sharciga Shaqada Soomaaliyeed, Guddoomiyaga Guddiga arrimaha Bulshada Aqalka Sare Sanatar Cismaan Maxamed Maxamuud Dufle ayaa dhankiisa, xubnaha Sanatarrada dulmar guud iyo sharraxaad ka siiyay sharciga Xeerka Shaqada Soomaaliyeed, intaas ka dib Sanatarrada ayaa ka dooday sharciga waxayna soo bandhigeen aragtidooda iyo meelaha ay ka qabaan qodobada sharciga in wax ka beddel, toosin ama sixitaan lagu sameeyo.

Gunaanadkii doodda oo aad u dheeraatay Saatarradu waxa ay codsadeen maadaada sharcigu yahay mid ka kooban qodobo badan oo hal maalin laga wada doodi karin in doodda akhrinta 2aad ay sii socoto kulamada soo socdo, wuuna ka aqbaly Guddoomiyuhu soo jeedintaas, sidaas ayaana kulankii guddoomiyuhu kusoo xiray, iyadoo kulanka xiga uu sii socon doonno doodda iyo akhrinta 2aad ee Xeerka Shaqada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...