Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan howlgalka cusub ee nabad ilaalinta ah ee bedeli doona ciidamada Midowga Afrika ee hadda jooga Soomaaliya ee loo yaqaan ATMIS marka ay soo gabagabeeyaan howlgallada dhammaadka sanadkan. 1-dii Agoosto, Midowga Afrika waxa ay qaateen fikrad istiraatijiyadeed oo ku saabsan howlgallada loogu talagalay Taageerada iyo Xasilinta Howlgalka Soomaaliya (AUSSOM) waxayna u gudbiyeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo oggolaaday 12-kii Agoosto ee sanadkan 2024-ka.
“Howlgalka dabagalka ah wuxuu yeelan doonaa ilaa 11,911 shaqaale ah, oo ay ku jiraan 85 rayid ah iyo 680 booliis ah, oo la geyn doono afar qeybood oo juquraafi ahaan ah,” sida laga soo xigtay mareegaha wararka ee madaxa banaan ee Warbixinta Golaha Ammaanka. “Howlgalka waxa uu howlgeli doonaa laga bilaabo bisha Janaayo 1-deeda, 2025-ka, waxaana si tartiib tartiib ah uu u wareejin doonaa mas’uuliyadaha amniga ee ciidamada amniga Soomaaliya, shaqaalahoodana ay kala bixi doonaan dhammaadka 2028-ka.”
Hadafka cusub ee amniga ayaa ka dhigan sii wadidda waajibaadka ATMIS. AUSSOM waxay mudnaan siin doontaa howlgallada ka dhanka ah Argagixisada ee Al-Shabaab, Tayeynta ciidamada amniga Soomaaliya, iyo horumarinta wada-hadallada siyaasadeed iyo dib-u-heshiisiinta. Howlgalka ayaa ujeedadiisu tahay in diiradda la saaro tallaabooyinka lagu dhisayo nabadda, taasoo ka dhigeysa in dowladda Soomaaliya ay ka shaqeyso dhismaha dowladnimada iyo saaxiibadeeda caalamiga ah.
Dowladaha Masar iyo Jabuuti ayaa ciidamadooda u ballan qaaday AUSSOM, iyadoo ciidamada Masar laga yaabo inay ku beddelaan 3,000 oo ciidamada Itoobiya ee jooga Soomaaliya oo ATMIS ka mid ahaa. Soomaaliya ayaa ku hanjabtay inay dalkeeda ka saarayso Askarta Itoobiyaanka ah, sababtuna waxay tahay khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya qorshaha gelitaanka Badda Cas ee Itoobiya, kaasi oo ay wada galeen Is-afgarad beenaadka dhex maray Abiy iyo Muuse Biixi, sida ay qortay Africa Defense Forum (ADF) ee Taliska Gaashaandhigga Maraykanka.
“Haddii Itoobiya ay ka bixi waydo heshiiskii [Heshiiskii Is-afgaradka] ee ay la gashay maamulka Somaliland, ciidamadeedu kama qeyb ka noqon doonaan howlgalka soo socda,” Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, mudane Xamza Cabdi Barre ayaa sidaa yiri mar uu ka hadlayay shir ka dhacay Muqdisho 22-kii Agoosto. “Haddii ay sii jiraan, ma hoos imaan doonto waajibaadka Midowga Afrika.” Masar ayaa la sheegay in ay ciidamo u soo diraysa Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan howlgalka cusub ee Midowga Afrika, kaasi oo beddelaya howlgalkii ATMIS ee Soomaaliya, sidaasi waxaa shaaciyay Midowga Afrika, iyadoo ay War-murtiyeed ka soo baxay Midowga Afrika loogu mahadnaqay Masar iyo Jabuuti oo noqday labada dal ee illaa iyo hadda caddeeyay in ay qeyb ka noqonayaan howlgalkan, waxaana dalalka kale ee Qaaradda ah loogu baaqay in ay iyaguna ku soo biiraan.
Dadka dhaliila sida Suleymaan Walhad oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya ayaa aaminsan in Midowga Afrika aysan abbaarin xalka Soomaaliya, “Ma ahan run in Soomaaliya ay u baahan tahay ciidamo shisheeye, si ay isu xaqiijiyaan nabadda iyo xasilloonida,” ayuu ku qoray qoraal 9-kii Agoosto ee bogga wararka ee Eurasia Review. “Waxay u baahan tahay hannaan dib-u-heshiisiin qaran iyo in qabaa’ilkeedu ay nabad ku wada gaaraan.” Geesta kale, Fauziya Ali, oo ah aasaasaha iyo guddoomiyaha ururka u dooda haweenka ee ammaanka caalamiga ah ee Geeska Afrika, ayaa aaminsan in habka Midowga Afrika uu u horumarayo uu yahay mid hab wanaagsan.
“Howlgalkan cusub wuxuu ballan-qaadayaa hab isku-dhafan oo dhammaystiran oo ku aaddan nabad-ilaalinta iyo xasilinta Soomaaliya,” ayay ku qortay maqaal 27-kii bishii Agoosto ee shabakadda gobolka DiploBrief. “Waxaa looga gol leeyahay in lagu dhiso guulihii ay gaareen AMISOM iyo ATMIS, iyadoo la xalinayo khaladaadkii la ogaaday intii lagu jiray marxaladda kala guurka ee hadda la soo gabagabeeyay. “Daneeyayaasha Soomaaliyeed waa in ay si firfircoon uga qaybqaataan qaabeynta istiraatiijiyadda howlgalka, hubinta in ay la jaan-qaado waxyaabaha mudnaanta u ah qaranka iyo in ay kobciso xasilloonida muddada fog ee Qaranka dhibaataysan,” ayay sii raacisay.
“Hamiga siyaasadeed ee ku xeeran kala-guurka si joogto ah isuma barbar dhigin xaqiiqooyinka dhabta ah, ka dibna sababa dib u dhac,” Omar Mahmood, oo ah falanqeeye sare oo Bariga Afrika ah oo ka tirsan kooxda xasaradaha caalamiga ah, ayaa u sheegay wargeyska The East African bartamihii bishii Luulyo. Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa 22-xarumood kala wareegay ATMIS, waxaana dib u soo ceshaday dhulalka qaar, balse Maxamuud ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in loo baahan yahay waqti dheeri ah, si loo sii horumariyo laamaha amniga Soomaaliya.
“Waxay u badan tahay in Soomaaliya ay wali u baahan doonto kaalmo ciidamo shisheeye ah ugu yaraan labada sano ee soo socota, si looga fogaado khalkhal amni,” ayuu ku daray Mahamuod. Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta oo magaciisa loo soo gaabiyo (AUSSOM) ayaa ku yimid codsi ay Soomaaliya gudbisay, kaasi oo ujeedkiisu ahaa in kadib bixitaanka ATMIS la helo taageero muddo kooban ah oo ciidamada Soomaaliyeed laga siinayo xasilinta iyo xoojinta nabadgeliyada dalka, iyadoo Midowga Afrika uu bogaadiyay dadaalka iyo ka-go’naanta dawladda Soomaaliya ee adkeynta amniga, dib-u-dhiska, tababbarista iyo kobcinta karaanka ciidamada Xoogga Dalka, si howlahaasi loo sii dardargeliyana, waxay Afrika ugu baaqday Beesha Caalamka in kor loo qaado taageeridda dowladda Soomaaliya.