Hay’adda SoDMA oo marti galisay Shirka qaar kamid hay’adda Bini’aadannimad ka shaqeeya

Date:

Xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, ayaa marti-galisay kulan si bille ah loogu gorfeeyo xaaladaha bani’aadannimo ee dalka, kaas sķoo dhex mara Hay’adda SoDMA, Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadannimada (OCHA) iyo barnaamijka horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loogu diyaar-garoobi lahaa shirka madasha arrimaha bani’aadannimada (CHF) ee dhawaan lagu wado inuu qabsoono, sidii dhaqaale soo kabasho loogu aruuri lahaa dadkii ay wax-yeelleysay saameynti El-nino iyo qorshaha ku aaddan abaarta La-nina.

Sidoo kale, kulanka waxaa looga hadlay sidii loo garab istaagi lahaa dadka uu saameeyay dab xooggan oo dhawaan ka kacay Suuqa Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar, kaasoo baabi’iyay 900 oo goobo ganacsi ah, burburiyay dhaqaale dhan $1.5 milyan ilaa $2 milyan, isla-markaana wax-yeelleeyay hab-nololeedka 5,000 oo qoys.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Md. Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Md. George Conwey, ayaa wadajir u shir-guddoomiyay kulanka, waxaana ka qeyb-galay masuuliyiin kale oo ka kala socday Hay’adaha SoDMA, OCHA & UNDP.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...