Hay’adda SoDMA oo marti galisay Shirka qaar kamid hay’adda Bini’aadannimad ka shaqeeya

Date:

Xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, ayaa marti-galisay kulan si bille ah loogu gorfeeyo xaaladaha bani’aadannimo ee dalka, kaas sķoo dhex mara Hay’adda SoDMA, Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadannimada (OCHA) iyo barnaamijka horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loogu diyaar-garoobi lahaa shirka madasha arrimaha bani’aadannimada (CHF) ee dhawaan lagu wado inuu qabsoono, sidii dhaqaale soo kabasho loogu aruuri lahaa dadkii ay wax-yeelleysay saameynti El-nino iyo qorshaha ku aaddan abaarta La-nina.

Sidoo kale, kulanka waxaa looga hadlay sidii loo garab istaagi lahaa dadka uu saameeyay dab xooggan oo dhawaan ka kacay Suuqa Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar, kaasoo baabi’iyay 900 oo goobo ganacsi ah, burburiyay dhaqaale dhan $1.5 milyan ilaa $2 milyan, isla-markaana wax-yeelleeyay hab-nololeedka 5,000 oo qoys.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Md. Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Md. George Conwey, ayaa wadajir u shir-guddoomiyay kulanka, waxaana ka qeyb-galay masuuliyiin kale oo ka kala socday Hay’adaha SoDMA, OCHA & UNDP.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo Ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud...