Duqa Muqdisho oo xabsiga dhaxe gaarsiiyay deeqo kala duwan 

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),ayaa kormeer ku tagay Xabsiga Dhexe ee Xamar, asigoona gaarsiiyay Deeq kala gedisan oo isugu jira Geel, Raashiin, Dhar iyo agabyo kale oo baahi loogu qabo Xabsiga.

Kormeerka uu Duqa Muqdisho maanta ku tagay Xabsiga Dhexe, ayaa daba socda ka jawaabida booqasho ay maalmo ka hor halkaasi ku tageen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo uu hogaaminaayay Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) taasi oo ay ugu kuurgaleen xaalada dhabta ah iyo baahiyaha ka jira Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),ayaa sheegay in Deeqdaan ay bilaw u tahay ka jawaabida baahiyaha aas-aasiga ah ee ka jira Xabsiga Dhexe, waxa uuna xusay in Maamulka Gobolka Banaadir ay gacan weyn ka geysan doonaan garab istaaga iyo taageerida Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Kusimaha Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar oo Duqa Muqdisho kala wareegay Deeqda kala gedisan, ayaa waxa ay ka mahadceliyeen sida ay Maamulka Gobolka Banaadir ugu soo jawaabeen wax ka qabashada xaaladaha kala gedisan ee ka jira Xabsiga Dhexe.

Booqashadaan waxaa qeyb ka ahaa Xidlhibaank ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Gobalka Banaadir, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Xamar Jajab, Warta Nabadda, Agaasimeyaal iyo Saraakiil kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...