Guddiga Garsoorka ee Golaha Shacabka BJFS oo kulan ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa

Date:

Guddiga Garsoorka,Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay xafiiska Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa,waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Cali Xaaji Daahir.

Ajandaha Kulanka ee guddiga ayaa waxa uu ahaa ka shaqaynta shuruucda hortaala guddiga gaar ahaan akhrinta labaad ee sharciga kaalmo sharciyeedka federaalka soomaaliyeed,waxaana goobjoog ahaa sharci yaqaano ka socday wasaaradda cadaaladda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya,kuwaas oo guddiga kala shaqeynaya talo siinta iyo turxaan bixinta sharcigan.

Ugu dambeyn guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Cali Xaaji Daahir oo kulanka soo xiray ayaa u mahadceliyay xubnaha guddiga iyo sharci yaqaanadda ,waxa uuna sheegay in sharcigan la horgeyn doono kulanka guud ee golaha shacabka si loo marsiiyo habraaca u dhiman.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...