Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah 

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ayaa guddiga faahfaahin ka siiyay halka uu marayo qorshaha xulista xubnaha sagaalka ah ee Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka urur goboleedka Bulshada Bariga Afrika, arintaas oo uu sheegay Guddoomiyaha in ay meel wanaagsan mareyso dhowaanna xubnahaasi la diyaarin doono.

Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa ka dooday ajendayaasha Golaha ee todobaadka soo socda iyo sida ay horutabinta u kala leeyihiin,waxaana guddoomiyaasha qaar ka mid ah guddiyada ay ka warbixiyeen hindise sharciyeedyada ay gacanta ku hayaan iyo habraacyada ay mareen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa u mahadceliyay xubnaha Guddiga Joogtada iyo guud ahaan xildhibaanadda Golaha, waxaana ugu dambeyn xubnaha Guddiga Joogtada ah ansixiyeen ajendayaasha kulamada Golaha ee todobaadka soo socda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo Ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud...