Liibaan Neeleey (Macawiisley) “Meel kasto oo ay galaan Khawaarijta waan ka soo saaraynaa”

Date:

Ciidamada deegaanka ee ku sugan koonfurta gobolka Galgaduud ayaa xaqiijiyay in ay aad ugu niyad san yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ee ka socda bartamaha dalka.

Liibaan Maxamed (Neeleey) oo ka mid ah macawisleyda Galgaduud oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ay ku guuleysteen howlgal ay saaka ka sameeyeen deegaanka Buur Calooleey.

Liibaan ayaa sheegay in Khawaarijta looga daba tagi doono ilaa degaanada Jowlo, Galhareeri iyo Ceel-buur, duur iyo deegaan meelkasta oo ay galaan.

“Halgankii socday, guulo waaweyn ayaa laga gaaray waxaana lagu xureeyay deegaano badan oo ka tirsan miyiga gobolka Galguduud, waxaana diyaar u nahay inaan xoreyno dhammaan deegaannada gobolka.”

Ciidamada dowladda oo ay wehlinayaan kuwa deegaanka ayaa weli sii wada howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta looga xoreynayo dhul hor leh oo ku yaalla deegaannada gobolka Galgaduud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...