Guddiga Maaliyadda Gurmadka Qaran oo mar kale Baaq u diray bulshada Bulshada Soomaaliyeed

Date:

Guddiga Maaliyadda Gurmad Qaran oo ku kulan ku yeeshay Xarunta dhexe ee Hay’adda (SoDMA), ayaa shacabka Soomaaliyeed markale ugu baaqay in ay ka qeybqataan gurmadka shacabkii waxyeellada ka soo gaartay qarixii Liido.

Kulankaan waxaa Guddoomiyay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ahna Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir, waxaana qeyb ka ahaa wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Xirsi Gaani, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka ee SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle, Ganacsato, Ururka Haweenka Qaranka iyo Culimada Soomaaliyeed.

Guddigaan ayaa markale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay qeybtooda ka qataan gurmadka loo sameynaayo shacabkii khawaarijta ku xasuuqday Liido, waxaana guddiga uu u mahadceliyay Golaha wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo xalay lacag Nus Milyan dollar ah ugu deeqay ehelada dadkii waxyeellada ka soo gaartay weerarkaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Ku-xigeenka Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare ee BJFS,Mudane Cali Shacbaan...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka...

Wasaaradda Qoyska oo daahfurtay tababar ku saabsan doorka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhiska Soomaaliya

Wasaaradda Qoyska, Horumarinta iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo kaashanaysa...

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska oo shahahaadada Master Degree ka qaatay dalka Ruushka

Afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa...