Wasiirka Waxbarashada oo Guddoomiyay shir gaar ah oo yeesheen guddiga gurmad qaran

Date:

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa xalay Guddoomiyay shir ay yeesheen guddiga gurmad qaran, kaas oo ka dhacay Xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiiboyinka.

kulankaan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS Dr Cali Xaaji, Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Xirsi Gaani , Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Maxamuud Macallin Cabdulle,iyo qeybaha kala duwan ee bulshada .

Shirkaan ayaa looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa qasaaraha guud xasuuqii khawaarijta ka geysatay Xeebta Liido, si guud dadka ay dhaawacyada soo gaareen ee ku kala jira isbitaallada kala duwan ee caasimada, waxyaabaha kale ee kulankaan looga hadlay waxaa kamid ah in dhaawacyada kuwooda daran dalka dibaddiisa loo qaado iyo in loo bandhigo dadka Soomaaliyeed gaar ahaan Ganacsatada si ay u caawin lahaayeen ehelada dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ee isbitaalada yaalla.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidamada Xoogga Dalka oo fuliyay howlgal guuleystay

Ciidanka Geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya Ciidamadda Uganda...

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah ururada Siyaasadda dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Arrimaha guddaha oo qabtay kulan looga hadlayo Amniga goobaha lagu xusayo maalmaha xoriyadda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...