Madaxweyne Erdogan “Turkiga ma aqbali doono isku dayga wada shaqeynta Israel ee NATO

Date:

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay maalinimadii shalay oo Khamiis aheyd in isku dayga lagu doonayo in Israa’iil lagala shaqeeyo NATO ay tahay “mid aan la aqbali karin.

Madaxweynaha, ayaa sheegay in maamulka Israel, oo ku tuntay qiyamka aasaasiga ah ee dadka Falastiin inuu sii wado xiriirka iskaashi ee uu la leeyahay NATO,xilli uu shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Washington D.C. oo lagu qabtay kulan madaxeedka hoggaamiyeyaasha NATO.

Ilaa inta laga helayo nabad waarta oo dhamaystiran oo ka hirgasha dhulka Falastiin, isku dayada wada shaqaynta Israa’iil ee NATO ma ogolaan doono” ayuu yidhi Erdogan.

Erdogan ayaa ku qanciyay xubnaha mas’uulka ka ah beesha caalamka ay gacmaha is qabsadaan oo ka shaqeeyaan sidii xal laba dowladood ah loogu heli lahaa Israa’iil iyo Falastiin ,iyadoo la eegayo xudduudihii 1967.

Hadalada Madaxweynaha Turkiga ayaa yimid xilli Hogaamiyayaasha NATO ay ka qeybgaleen shir saddex maalmood socday oo lagu xusayay sanadguuradii 75-aad ee isbahaysiga militariga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda oo kulan la qaatay beeraleyda Gobolka Shabeellaha Hoose

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, Xildhibaan Maxamed Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO BOOQASHO SHAQO KU TAGAY XARUNTA WASAARADDA WARFAAFINTA

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...