Wasiirka Owqaafta oo Shahaado Sharaf siiyay Warbaahinta Qaranka 

Date:

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,ayaa Shahaado Sharaf ku abaal marisay Warbaahinta Qaranka oo shaqo wanaagsan ka qabatay soo gudbinta xogta rasmiga ah ee xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan.

Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, ayaa sheegay in Warbaahinta Qaranku ay bulshada u soo bandhigtay hormarka la taaban karo ee dowladdu ka sameysay adeegga xujeyda Soomaaliyeed oo meel wanaagsan soo gaaray, waxa uuna sheegay inay tahay abaal marintaan mid ay ku muteesteen, Soo gubinta xogta saxda ah ee Xujeyda Soomaaliyeed.

Wasaaradda Owqaafta, ayaa sanadkaan wax badan oo is badal muuqda ah ku sameysay adeegga xajka waxaana hadda socda dadaal sanadka dambe laga sii hormarinayo halka uu hadda soo gaaren howlaha xajka.

Warbaahinta Qaranka,ayaa u taagan inay bulshada Soomaaliyeed usoo gudbiso,wax qabadka Dowladda iyo howlaha socdaan oo ay waddaan hay’addaha kala duwan ee dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xildhibaanada labada Aqal oo ansixiyey qaraar ku saabsan diidmada iyo ka-hortagga xadgudubka Israa’iil

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo...

Madaxweynaha JFS oo khudbad u jeediyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Dowladda Nayjeriya oo si adag u cambaareysay xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Nayjeeriya ayaa si cad u muujisay...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Hindise Sharciyeedka Mamnuucidda Gudniinka Fircooniga

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...