Maamulka Gobolka Banaadir oo ka tacsiyeeyay geeriddii ku timid Marxuumad Ikraam Cabdullaahi

Date:

 

                       انا لله وانا اليه راجعون           

Guddoonka Sare ee Maamulka Gobolka Banaadir, Agaasimayaasha, Guddoomiyayaasha Degmooyinka, Xafiiska Sports-ka, Madaxda xafiisyada iyo Dhammaan Shaqaale weynaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Madaxdaas kala duwan waxaa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelada, Asxaabtii iyo bahda Gobalka Banaadir, ayagoo ka tacsiyeynaya geerida ku timid Allaha u naxariisto Marwo Ikraan Abdullahi Maxamed (Xooshey), Guddoomiyahii Kubadda Koleyga ee Gobolka Banaadir oo ku geeriyootay Magaalada Muqdisho.

Marxuumad Ikraan waxa ay eheyd gabar karti badan islamarkaana si hagar la’aan ah ugu soo shaqeysay dalkeeda, ayadoo kaalin mug leh ku lahayd horumarka Cayaaraha iyo isdhexgalka bulshada ee Gobolka Banaadir.

Qabrigeeda Allaha u waasaciyo, Dhammaan Ehelka, Qaraabada iyo Asxaabta ay ka geeriyootayna Samir iyo Iimaan Allaha ka siiyo.

انا لله وانا اليه راجعون

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement...

Wasiir ku xigeenka Qorshaynta oo qaabilay madax ka tirsan hay’adda DRC

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha...

Xildhibaan Cumar Cali Isaaq oo loo doortay xubin ka tirsan Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...