Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay shirka sanadeedka Madaxda Afrika iyo Bangiga Horumarinta Afrika

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay shirka sanadeedka Madaxweynayaasha Afrika iyo madaxda Bangiga Horumarinta Afrika oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkan oo diiradda lagu saaray dib u habeynta qaab-dhismeedka maaliyadeed ee Afrika iyo isbadalka cimilada ayaa waxaa ka qeybgalay qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Afrika, kuwaas oo goobta ku soo bandhigay horumarka iyo caqabadaha ka jiro dalalkooda, si gaar ah wada shaqeynta Bangigaga Horumarinta Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo shirkan ka hadlay ayaa madaxda Bangiga Horumarinta Afika uga mahadceliyey wada shaqeynta iyo taageerada maaliyadeed ee Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay sameyneyso horumar iyo kobac dhaqaale, taas oo ku timid hufnaanta hanaanka maaliyadeed ee dalka.

Shirkan oo muhiim u ah Soomaaliya ayaa madaxda Bangiga horumarinta Afrika ay xaqiijiyeen taageerada iyo wada-shaqeynta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa gunaanadka shirkan kadib kulan doceedyo la yeeshay qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Afrika, isaga oo kala hadlay iskaashiga iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...