Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Date:

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan Maxamed oo wali wada dadaaladii looga hortagi lahaa saameynta taban ee roobabka xiliga gu’ga ku yeelan karaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda nugul ayaa maanta qabatay kulan ballaaran oo ay kasoo qeyb galeen masuuliyiin ka socday Wasaaradaha Dowladda Federaalka ah iyo Hay’adaha Maamul Goboleedyada dalka.

Shirkaan oo ujeedkiisu ahaa dardar galinta iyo u diyaar garoowga roobabka gu’ga ayaa waxaa daah furtay gudoomiyaha Hay’adda iyadoo carabka ku adkeysay muhiimada ay leedahay wada shaqeynta Hay’addaha Dowladda, wadaagista xogaha iyo isku xirka gargaarka.

Shirkan waxaa la isku dhaafsaday xogaha casharadii laga bartay xili roobaadyadii hore, khataraha kadhasha roobabka, agabyada loo baahan yahay iyo sidii looga hortagi lahaa.

Ugu danbeyn waxaa la isla gartay in lahelo xog  hubanti leh oo ay dowladdu leedahay taasoo gundhig u noqota ka jawaabidda saameynta roobabka la filaayo.

NCRI
NCRI

NCRI

Gudoomiyaha NCRI
GUDOOMIYAHA NCRI

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo casho sharaf u sameeyay Culimada Soomaaliyeed ee ka qeybgalay Shirweynaha 3-aad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Dekadaha XFS oo ka qeybgalaya shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur,...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Muqdisho ka furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magaalada Rabat kula kulmay dhiggiisa dalka Morocco.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...