Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa wareegga Labaad kulankiisa 6-aad ku tartamay Degmooyinka Caabudwaaq iyo Aadan Yabaal oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Caabudwaaq iyo Aadan Yabaal ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Caabudwaaq

Tartameyaasha Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, dhamaan todobadii su’aal ee la weydiiyay waa ay ka wada jawaabeen, Sidoo kale waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareermartay dhigooda Aadan Yabaal , sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Caabudwaaq ay heleen waxay noqotay Sideed iyo Toban (18) dhibcood.

Aadan Yabaal

Tartamayaasha Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal,, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Aadan Yabaal waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.

Hadaba kulankii 22-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 20-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Xarardheere iyo Heliwaa oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Banaadir.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo diray qalabkii doorashada qof iyo codka ah ee Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho...

Guddiga Doorashooyinka oo soo saaray liiska goobaha codbixinta doorashada Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha wuxuu...