Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa wareegga Labaad kulankiisa 6-aad ku tartamay Degmooyinka Caabudwaaq iyo Aadan Yabaal oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Caabudwaaq iyo Aadan Yabaal ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Caabudwaaq

Tartameyaasha Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, dhamaan todobadii su’aal ee la weydiiyay waa ay ka wada jawaabeen, Sidoo kale waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareermartay dhigooda Aadan Yabaal , sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Caabudwaaq ay heleen waxay noqotay Sideed iyo Toban (18) dhibcood.

Aadan Yabaal

Tartamayaasha Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal,, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Aadan Yabaal waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.

Hadaba kulankii 22-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 20-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Xarardheere iyo Heliwaa oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Banaadir.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dhalinyarada XFS oo iska diiwaan geliyay degmada Shangaani

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdulqaadir Cali...

Shirweynaha Xaquuqul Insaanka oo galay maalinta labaad

Shirweynaha Xaquuqul Insaanka oo galay maalinta labaad, iyadoo maanta...

Muqdisho oo maanta ay ka billaabaneyso diiwaangalinta codbixiyeyaasha golaha deegaanka

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan degmada Shangaani...

Xukuumadda oo war-murtiyeed kasoo saartay safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Khaatumo

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu...