Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa wareegga Labaad kulankiisa 4-aad ku tartamay Degmooyinka Kismaayo iyo Bardaale oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Baay, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Kismaayo iyo Bardaale ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Kismaayo

Tartameyaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Lix su’aal, halka ay iska qaldeen Hal su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kismaayo ay heleen waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.

Bardaale

Tartamayaasha Degmada Bardaale ee Gobolka Baay waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Lix su’aal, halka ay iska qaldeen Hal su’aal, , ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Bardaale waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.

Sida sharciga tartanka qabo marka ay labo degmo noqdaan isku dhibco waxaa laguj daraa su\aalo dheeri ah si loo kala saaro labada degmo oo ay midkood u gudubto wareegga xiga ee tartanka.

Su’aalihii dheeriga ah ee lagu daray oo lagu bilaabay tartamayaasha degmada Kismaayo waxa ay iska qaldeen su’aashii 8-aad ee tartanka, balse tartamayaasha degmada Bardaale kama aysan faa’iideysan fursadda soo martay, laakiin waxa ay si toos ah uga jawaabeen su’aashii dhankooda la weydiiyay sidaas ayayna ku heleen 14 dhibcood, halka Kismaayo ay la yimaadeen 12 dhibcood.

Hadaba kulankii 20-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Bardaale ee Gobolka Baay, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 19-aad ee tartanka, waxaa jiri doono labo tartan qeybta hore waxaa ku baratami doona degmooyinka Kaaraan iyo Laascaanood oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Sool, halka tartanka labaad ay isku arki doonaan Caabudwaaq iyo Aadan Yabaal oo ka kala trsan Gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe.

Sawir Qaade:- Muuse Cabdullaahi Cirro

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...