Tartamayaasha Degmada Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 9-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Kaaraan iyo Buur-hakaba oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Baay, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Tartameyaasha labada degmoo ee Kaaraan iyo Buur-hakaba ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.
Kaaraan
Tartameyaasha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Buur-hakaba, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kaaraan ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.
Buur-hakaba
Tartamayaasha Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal. Waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Kaaraan, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Buur-hakaba waxay noqotay Toban (10) dhibcood.
Guddiga tartanka ayaa sheegay in labada degmo ay noqdeen isku dhibco, isla markaana sida sharciga tartanku qabo waxaa lagu daray su’aalo dheeri ah si loo kala saaro tartamayaasha labada dhinac ee Kaaraan iyo Buur-hakaba ee Gobollada Banaadir iyo Baay.
Markii lagu daray su’aalaha dheeriga ah ayaa waxa ay tartamayaasha degmada Kaaraan ka jawaabeen su’aashii 8-aad ee la weydiiyay halka tartamayaasha degmada Buur-hakaba ay iska qaldeen tii 8-aad ee dhankooda la weydiiyay balse kama aysan faa’iideysan su’aashaas dhigooda Kaaraan, sidaa darteed tartamayaasha Kaaraan ayaa la yimid 12 dhibcood halka Buur-hakaba ay keensatay 10 dhibcdood, sidaas ayayna Kaaraan ugu gudubtay wareegga 2-aad ee tartanka.
Hadaba kulankii 9-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 9-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Laascaanood iyo Shangaani oo ka kala tirsan Gobollada Sool iyo Banaadir.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Fiqi: “Furimaha hore ayaan ka hoggaamin doonaa dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.”

Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho, waxaa si habsami...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo u ambabaxay Magaaladda Algiers

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Wasaaradda Beeraha Galmudug oo dalagyo kula duwan u qeybisay qooysas ku sugan Gobolka Mudug

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Wasiirka Shaqada XFS oo hambalyo u diray dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya,...