Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 8-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Dharkeynley iyo Bardaale oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Baay, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Dharkeynley iyo Bardaale ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Dharkeynley

Tartameyaasha Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Bardaale,  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Dharkeynley ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Bardaale

Tartamayaasha Degmada Bardaale ee Gobolka Baay waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal. Waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Dharkeynley,  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Bardaale waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Guddiga tartanka ayaa sheegay in labada degmo ay noqdeen isku dhibco, isla markaana sida sharciga tartanku qabo waxaa lagu daray su’aalo dheeri ah si loo kala saaro tartamayaasha labada dhinac ee Dharkeynley iyo Bardaale ee Gobollada Banaadir iyo Baay.

Markii lagu daray su’aalaha dheeriga ah ayaa waxa ay tartamayaasha degmada Bardaale ka jawaabeen su’aashii 8-aad ee la weydiiyay halka tartamayaasha degmada Dharkeynley ay iska qaldeen tii dhankooda la weydiiyay waxaana ka faa’iideysatay dhigooda Bardaale oo la timid 14 dhibcood halka Dharkeynley ay keensatay 10 dhibcdood, sidaas ayayna Bardaale ugu gudubtay wareegga 2-aad ee tartanka.

Hadaba kulankii 8-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Bardaale ee Gobolka Baay, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 8-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Buur-hakaba iyo Kaaraan oo ka kala tirsan Gobollada Baay iyo Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...