Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa daah-furay wejiga 2-aad Tartan Aqooneedka Qur’aanka Kariimka ee Maamulka Gobolka Banaadir

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay wejiga 2-aad Tartan Aqooneedka Qur’aanka Kariimka ee Maamulka Gobolka Banaadir, kaasi oo wajigiisa 1-aad kasoo socday Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay Munaasabada ayaa ugu horeyn u mahadceliyay Macalimiinta, Guddiga Garsoorka iyo Culumada Soomaaliyeed, doorkooda ku aadan in ay waqti geliyaan waxa ugu fiican ee lagu tartamo oo ah xifdinta Quraanka Kariimka. Asigoona Balan qaaday in uu Xajka u diri doonno Waalidka ardeyga ku guuleysta Tartanka Quraanka Kariimka ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Munaasabadda furitaanka tartankaan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Culuma’udiin, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Deegaanada G/Banaadir, Agaasimeyaal, Waaxda Diinta iyo Awqaafta Maamulka Gobolka Banaadir, Waalidiin iyo Ardeyda Tartamayaasha Qur’aanka Kariimka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxkamadda Ciidamada oo toogasho ku fulisay saddex Khawaarij ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saakay ku fulisay dil...

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo magacowday xubnaha Golaha Anshaxa Cilmi-baarista Qaranka

Dr. Ali Haji Adam, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY LATALIYAHA AMNIGA QARANKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

Wasiirka Amniga Gudaha, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...