Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay Kuxigeenka ergeyga xogheyaha guud ee Qaramada Midoobey Soomaliya

Date:

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Moallim Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Kuxigeenka cusub ee ergeyga xogheyaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya mudane Raisedon Zenenga iyada oo laga wada hadlay Dib u xorreynta dalka ka socota, howlaha Xasillinta, Dib u heshiisiinta, Federaaleynta, Doorashooyinka iyo arrimo kale.

Kulanka uu sidoo kale goobjoog ka ahaa Rohan Titus oo UNSOM u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda iyo Dhexdhexaadinta ayaa Mr. Raisedon Zenenga oo ka hadlay kulanka, waxaa uu mudane Axmed Fiqi iyo Dowladda Soomaaliyaba ku bogaadiyay guulaha isdabajoogga ah ee ay dhinac walba ka gaareen labadii sano ee lasoo dhaafay isaga oo intaa raaciyay sida UN-ka uga go’antahay taageeridda dowlad dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Moallim Fiqi ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal walba ku bixinayso Dib u xorreynta dalka, Xasillinta, Sookabashada degdegga ah iyo sidoo kale howlaha federaaleynta iyo in adeegyada & maamulka u dhoweyso shacabka Soomaaliyeed oo ay doortaan dadkii matali lahaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc lagu xoojinayo ka Jawaabidda masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay dhismaha laamiga degmada Wadajir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Madaxwayne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema saarka madaxweynaha Tanzania

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...