Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay Kuxigeenka ergeyga xogheyaha guud ee Qaramada Midoobey Soomaliya

Date:

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Moallim Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Kuxigeenka cusub ee ergeyga xogheyaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya mudane Raisedon Zenenga iyada oo laga wada hadlay Dib u xorreynta dalka ka socota, howlaha Xasillinta, Dib u heshiisiinta, Federaaleynta, Doorashooyinka iyo arrimo kale.

Kulanka uu sidoo kale goobjoog ka ahaa Rohan Titus oo UNSOM u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda iyo Dhexdhexaadinta ayaa Mr. Raisedon Zenenga oo ka hadlay kulanka, waxaa uu mudane Axmed Fiqi iyo Dowladda Soomaaliyaba ku bogaadiyay guulaha isdabajoogga ah ee ay dhinac walba ka gaareen labadii sano ee lasoo dhaafay isaga oo intaa raaciyay sida UN-ka uga go’antahay taageeridda dowlad dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Moallim Fiqi ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal walba ku bixinayso Dib u xorreynta dalka, Xasillinta, Sookabashada degdegga ah iyo sidoo kale howlaha federaaleynta iyo in adeegyada & maamulka u dhoweyso shacabka Soomaaliyeed oo ay doortaan dadkii matali lahaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi sare oo ka socda Sweden

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Howllgal qorsheeysan oo CXD ka fuliyeen Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed CXD ayaa fuliyay howlgallo amni...

Degmada Dhahar oo u gudubtay wareegga 2-aad ee tartanka bisha Ramadaan

Degmada Dhahar oo ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa u...

Safiirka Soomaaliya ee Australia oo aqoonsiga laga guddoomay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Australia...