Dowladda Soomaaliya oo ka Qayb Gashay Kulan Looga Hadlay Doorashada Midowga Africa ee 2025

Date:

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa  ayaa xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa kaga qayb galay kulankii 22-aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika, waxaana shirkan diiradda lagu saaray doorashada soo wajahan ee hoggaanka sare ee Midowga Afrika oo lagu wado inay dhacdo bisha Febraayo ee sanadka 2025.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Muritania ahna guddoomiyaha Guddiga Fulinta Midowga Africa Dr Mohamed Salem Ould ayaa shirkan kusoo bandhigay warbixin dhameystiran oo guddigu soo saaray, taasoo looga hadlay diyaargarowga loogu jiro doorashadan muhiimka ah ee hogaanka sare ee Midowga Afrika.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo goor horeba si rasmi ah u shaacisay inay u sharaxan tahay hogaaminta Midowga Afrika ee sanadaha 2025 ilaa 2029 ayaa dhankeeda abaabul xoogan iyo diyaar garow ugu jirta doorashada Midowga Afrika oo dhici doonta bisha Febraayo ee sanadka 2025.

Danjire Warfaa, ayaa shirkan ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa, isagoo si gaar ah ugu nuux-nuux saday in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay rajo weyn ka qabto hanashada hogaaminta Midowga Afrika, isla markaana qorshayaasheeda wax qabad uu kamid yahay in la dar-dar geliyo hawlaha loo igmaday Ururka Midowga Afrika iyo sidoo kale xal u helidda xasaradaha ka taagan qaar kamid ah wadamada Africa.

Sidoo kale waxa uu intaa ku daray in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay soo dhoweynayso warbixinta diyaar garowga doorashada ee guddigu soo bandhigay, isagoo tilmaamay muhiimada ay leedahay in haweenka Afrika fursad loo siiyo inay kamid noqdaan hogaamiyayaasha Ururka Midowga Afrika iyo ka qayb galka doorashada soo aadan.

Mudo xileedka hoggaanka sare ee Midowga Afrika ayaa ah afar sano, waxaana la rajaynayaa in doorashada soo wajahan ee Guddiga Golaha Midowga Afrika ay dhex mari doonto Dawladaha Soomaaliya iyo Kenya oo ay u kala sharaxan yihiin Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan iyo Raila Odinga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...