Howlgal Qorshaysan oo lagu dilay Horjoogayaal sare oo katirsan khawaarijta

Date:

-Ciidanka Xoogga iyo Geesiyaasha reer Xararadheere ayaa xalay hawlgal gaar ah ku khaarajiyay horjoogayaal sar-sare oo ka tirsanaa Khawaarijta, kaas oo ku soo dhamaaday guul.

Howgalkan ayaa gudaha loogu deegaanno ay joogaan Khawaarijta, iyaga oo ku duulaya xogo Sirdoon oo si wayn ay isugu dubbaridideen, kaas oo ujeedku ahaa in ay talaabo ka qaadaan Horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta Mudug iyo Galguduud oo ku lug lahaa weeraro horay uga dhacay Goballadaas.

Ciidanka ayaa galay waddo ay ku safrayeen Horjoogayaasha Bartilmaameedka ahaa kuwaas oo marayay deegaanka Dumaaye, iyagoo khaarajiyey Horjoogihii ay beegsanayeen kaas oo ahaa ku xigeenka madaxa Jabhadaha Khawaarijta ee Mudug iyo Galguduud.

Horjoogahan oo lagu magacaabo Maxed Isaaq Aw-raage (Maracadde) ayay Ciidamadu ay u daba socdeen ficiladii uu horay u gaystay iyo kuwa hadda uu qorshaynayay, iyagoo isla goobtaas ku dilay horjooge kale oo Ajinabi ab oo la socday Maracadde iyo Shan-maleeshiyaad ah oo ilaalo u ahaa, waxayna kasoo furteen Hubkii iyo Agab kale oo dagaal oo ay wateen.

Geesiyaasha fuliyay hawlgalkan qorshaysan ayaa si nabad ah dib ugu soo laabtay fariisinkooda oo ahaa degmada Xarardheere.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka tacsiyadeeyay geerida Agaasime Ku-xigeenkii Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa ku qaabilay Duqa Magaalada St. Louis Park ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo kulan la qaatay Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Galmudug

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dawladda...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyay geerida AUN Weriye Maxamed Diiriye Dhakat

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Cabdulfitax...