Dagaal u dhexeeya Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga deegaanka oo is garabsanaya iyo Khawaarijta oo ka socda Deeganka jeex jeex iyo buurta yacgoos oo u dhaxeeya Magaalooyinka caad iyo camaara ee Koofurta gobolka Mudug

Date:

Dagaal u dhexeeya Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga deegaanka oo is garabsanaya iyo Khawaarijta ayaa ka socda Deeganka jeex jeex iyo buurta yacgoos oo u dhaxeeya Magaalooyinka caad iyo camaara ee Koofurta gobolka Mudug halkaas oo hadda lagu ciqaabayo Khawarijta.
Howlgalka waxaa qaaday Ciidanka xoogga iyo xoogagga deegaanka oo is kaashanaya ka dib markii ay heleen xogta Maleyshiyaad Khawaarij ah oo isku aruursanayay deegaanadaas.
Saraakiisha Ciidanka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in dagaalka lagu jabiyey cadowga walina uu socdo dagaalku.
Howlgalka ayaa qeyb ka ah halganka sifeynta cadowga ee ka socda Koofurta Mudug oo dhul ballaaran looga xoreeyey shufto diimeedka caadeysatay dhibaatada shacabka.
All reactions:

158

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo...

Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Khawaarijta waan dabar jaraynaa

Ciidamada kala ah Xoogga dalka iyo Sirdoonka qaranka NISA...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka ugu hambalyeeyay...