Fadhi ay yeesheen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya looga qaaday cunaqabateynta hubka oo saarneed tan iyo 1992-kii. Tallaabadaan ayaa ah mid ay Soomaaliya u abuuri doonta waddo cusub, taasi oo ah tallaabo muhiim ah oo wax badan ka bedeli karta ammaanka Soomaaliya iyo kan Geeska Afrika. Codeyn u dhacday hab gacan taag ah oo ay qaadeen 15 xubin ee golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa 14 ka mid ah waxa ay u codeysay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateyn hubka, taas oo ka dhigan in 31 sano ka dib Soomaaliya laga qaaday cunaqabataynta hubka, waxayna albaabada u furi doonta in dowladda federaalka Soomaaliya in ay soo iibsato hub culus oo casri ah oo kaalin ku lahaan doona dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta oo xilligaan maraya heer gabogabo ah, isagoo Goluhu ku sii adkeeyay Cuneqabateynta hubka Kooxda Argagixisada ah ee Al-shahaab.
La Taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin oo faah faahiyay jidka loo soo maray Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya laga qaaday 31 sano kadib. La taliyaha Amniga ayaa ugu horeyn Shacbka soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha tariikhiga ah ee dalka laga qaaday cunaqabateynta hubka ee muddada dheer saarneyd,isagoo Madaxweynaha JFS uga mahadceliyay dadaalka uu ku bixiyay arintaan, isagoo sheegay in arrinta cunaqabateynta Hubka ay soo martay marxalado kala duwan una billaabay dadaadlka ah in cunaqabteynta laga qaado soomaaliya Madaxeyne Xasan Sheekh Maxamuud Sanadkii 2012-kii,taa uu sheegay in lagu guuleysatay in qeyb laga qaado cunaqateynta ayna soo gadato hub, iyada oo mareyso shuruuc ay u dajiyeen hay’adaha Caalamka,sidaana ay Soomaaliya hubka ku heli jirtay.
Sanadkii 2022-kii ee dib u doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu tilmaamay in ay la kulmeen xubna ka socdoy Qaramada Midoobay oo ay kala hadleen sida loogu guuleysan karo qaadista cunaqabteynta hubka, dood dheer kadibna ay islaqaateen in la sameeyo Habraac 10-qeyb ka koobnaa oo ay Soomaaliya ku gaari karto in laga qaado cunaqabteynta hubka, dhammaanna Soomaaliya ugu dambeyntii ku guuleysatay qodobadii horyeelay, taasi oo keentay in laga qaado cunaqabteyntii hubka.
Haddaba maxay uga dhigan tahay Soomaalida ka qaadista Cuneqabateynta Hubka?, Go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ugu codeeyay in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya ayaa waxaa uu muhiimad weyn u leeyahay barnaamijyada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sugidda amniga, xasilinta iyo xoojinta dowladnimada curdanka ah. Haddaba faa’iidooyinka uu go’aankan la iman karo ayaa waxaa ka mid ah :
1- La-dagaalanka Argagaxisada iyo soo afjariddeeda iyo Sugidda Ammaanka: Soomaaliya waxa ay la daalaa dhacaysay caqabado badan oo dhanka ammaanka ah oo ay ka mid yihiin joogitaanka kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab ee ku xiran shabakadda argagixisada caalamiga ah ee Al Qaacidah. Dowladda Soomaaliya waxa ay u baahan tahay in ay hesho hub iyo qalab casri ah, si ay si dhab ah ula dagaalanto khatarahaas oo ay u sugto ammaanka xudduudaheeda.
2- Difaaca Qaranka: Qaadista cunaqabateynta hubka waxay dowladda Soomaaliya u sahlaysa inay dhisto oo casriyeyso ciidamadeeda qalabka sida, taasi oo sare u qaadeysa awoodda ay u leedahay inay difaacdo Madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.
3- Dadaalka nabad ilaalinta iyo xasilinta: Soomaaliya waxa ay diiradda saartay, hormuudna ka aheyd dadaallo badan oo nabad ilaalin iyo xasilineed oo ay wadajir uga shaqeynayeen Midowga Afrika iyo hey’adaha kale ee caalamiga ah. Helitaanka hubka iyo qalabka ayaa muhiim u ah dowladda Soomaaliya si ay si hufan u gudato waajibaadkeeda sugidda amniga, islamarkaana ay Ciidamada ATMIS ugala wareegto amniga guud ee dalka.
4- Dhaqangelinta sharciga iyo xakameynta xuduudaha: Dowladda Soomaaliya waxay u baahan tahay qaabkii ay ku qalabeyn laheyd hay’addeeda sharci fulinta iyo si ay xudduudaheeda uga ilaaliso ka ganacsiga hubka sharci darrada ah, argagixisada, iyo khataraha kale ee caalamiga ah.
- Dawlad-dhisidda iyo dawladnimada: Xoojinta awoodda dowladda Soomaaliya ee ku aaddan sugidda amniga waxay lagama maarmaan u tahay dadaalka ay ugu jirto hirgelinta maamul xasilloon, bixinta adeegyada bulshada, iyo horumarinta dhaqaalaha.
Yaa ka hadlay arrintaan aad ka u weyn?, “Maanta waa maalin taariikhi ah, waxaan soo dhaweynayaa go’aankii golaha Ammaanka ee cunaqabateynta hubka looga qaaday Soomaaliya, tobnaaankii sano ee la soo dhaafay cunaqabateynta, waxay caqabad ku noqotay qalabeynta waqtigeeda ee Ciidamada Qalabka Sida SNA Force , Hubka taageerada lagama maarmaanka ah si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab ”, sidaasi waxaa yiri:- Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeye Guusha laga gaaray Cunaqabateydii Soomaaliya Saarneyd Muddo 31 Sano, wuxuuna ugu Mahadceliyey Madaxda Sare ee dalka kaalinta wanaagsan ay ka qaateen in Soomaaliya laga qaado Xayiraada Hubka, isagoo xusay in Ciidanka Xoogga Dalka ay Muhiimad gaar ah u leedahay in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka.
“Waxaan aad uga helay qaabka ay Dowlada Ingiriiska u soo diyaarisay 2-dii qaraar ee la xiriiray Cunaqabateynta Hubka Soomaaliya, Qaraarka 1aad ,Waxaa cunaqabateynta Hubka looga qaaday Kaliya Dowlada Federalka Somalia. Qaraarka labaadna, Waxa uu cunaqabateynta hubka ku sii kordhigay Argagixisada iyo Kooxaha kale ee Khatarta ku ah ammaanka Soomaalyia, si kale marka loo dhigo,Marka laga reebo dowladda dhexe inta kale waa lagu kordhiyay cunaqabateynta.Haddii ay ahaan laheed qabiilada,Maamul Goboleedyada iyo Hogaamiye Kooxeedyada. Dowlada Ingiriiska hadii ay ugu talagasho in ay Qalin kugu disho meel aadan ka kaceen ayey kugu dhufaneysaa ,Haddii ay ugu talagasho in ay qalin kuugu hiiliso, hiil caqligaada ka weyn ayey kuu sameyneysaa.Sidoo kalana hiilka Imaraatka iyo Mareykanka ay arintaani ka geesteen waa mid xusid mudan”, sidaasi waxaa yiri Axmed Macallim Fiqi Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ee Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay uga qaaday Soomaaliya cunaqabteynta hubka, isagoo la hadlay Shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay sharaf u tahay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka oo saarneed 31 sano, isagoo intaasi raaciyay in cunaqabateynta ay tahay tii ugu dheereen ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay uu dal saaro, wuxuuna xusay guusha ay Soomaaliya gaartay in ay tahay mid muddo la sugayey, fursadna u heli doonta in ciidanka lagu qalabeeyo hub casri ah, carabkana ku dhuftay in awood u lahaan doonaan ciidanka xoogga in ay ka guuleystaan Khawaarijta.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo ku aaddan guusha taariikhiga ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga qaaday Soomaaliya cunaqabteynta hubka u diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna xusay dadaalka Dowladda ay ku bixisay in la qaado cunaqabateynta hubka, iyo faa’iidada ay leedahay ayuu ku sheegay in qeyb weyn ka qaadan doono xorreynta degaannada Khawaariijta ay ku sugan yihiin iyo inaan si casri ah u qalabeyno ciidankeena, waxaana uu uga mahadceliyay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo u codeeyay in Soomaaliya cunaqabataynta hubka la qaaday wixii xalay ka dambeeya.
“Dadka Soomaaliyeed waxa aan rabaa in aan ugu bishaareeyo sanadka 32-aad in aysan cunaqabateyn hubkanina saarneen, maanta dadka Soomaaliyeed waxa aan rabaa in aan u sheego dalka Soomaaliya dhammaan cunaqabateynta hubka waa laga qaaday,” sida uu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda.
Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed u diray farriin ku saabsan cunaqabateynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay dadaal badan ay ku bixisay dowladda in la qaado cunaqabateynta hubka, wuxuuna sharaxay faa’iidada ay u leedahay dowladnimada iyo halganka xoreynta dalka, isagoo yiri:- “Dalkeena maanta waxa uu xor u yahay intii awoodeenu ay la’egtahay hubkii aan rabno in aan soo iibsanno, oo caalamka aan ka soo iibsanno”.
Madaxweynaha oo ka hadlay fursadaha ay Soomaaliya haysato ayaa yiri, “Waxaa maanta fursad u haysannaa dalalka na kaalmeenaya ee saaxiibada nala ah ee walaalaha ah, hubkasta oo aan waydiisanno in ay na siin karaan.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladda ay ku ad-adkaan doonta xakameynta hubka iyo khulkhulka hubka, isaga oo xusay in dowladda ay u dajisau shuruuc.
Fadhi ay yeesheen shalay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya looga qaaday cunaqabateynta hubka oo saarneed tan iyo 1992-dii. Tallaabadaan ayaa ah mid ay Soomaaliya ku abuuri doonta waddo cusub.