Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah-furay Shirka hannaanka wadashaqeynta waaxaha Dowladda Hoose ee Xamar

Date:

:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadirahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa manta daahfuray shirka hanaanka wadashaqeynta waaxaha Dowladda Hoose ee Xamar, Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.

Furitaanka shirkan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Cabdicasiis Cismaan Maxamed, iyada oo madasha uu shirkan ka dhacayay lagu soo bandhigay warbixina la xariira muhiimada uu hanaankan u lee yahay dardargalinta iyo hufnaanta howlaha lagu horumarinayo bilicda Caasimadda iyo adeegyada aas aasiga ah ee loo baahan yahay in la gaarsiiyo bulshada Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku dardaarmay in mas’uuliyad gaar ah la iska saaro ilaalinta, qorista iyo ku hadalka afkeena hooyo, isaga oo sidoo kale sheegay in cidkaste lagula xisaabtami doono shaqada loo igmaday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...