Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka JFS

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 1-aad ee labadda Gole Baarlamaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Xasan ayaa Golaha Baarlamaanka u jeediyey khudbad dhinacyo taabaysa taas oo nuxurkeedu ahaa gulufka dagaal ee dowladdu ku qaaday kooxaha khawaarijta kaas oo guul weyn laga gaadhay.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan ayaa ku nuux nuuxsaday in la joogo wakhtigii uu qabyada ka bixi lahaa lana dhamaystiri lahaa Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in bilowga ilaa dhamaadka Bisha December Soomaaliya ku guulaysan doonto in laga qaado Cuno qabataynta hubka sidoo kale na uu soo dhammaado mashruuca dayn cafinta oo si dhamaystiran looga cafin doono Soomaaliya daynta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha JFS oo qadka teleefanka ugu hambalyeeyay dhiiggiisa dalka Uganda.

Muqdisho, Jannaayo 21, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qaybgalay Shir-weyne ku Saabsan Nidaamka Federaalka.

Muqdisho, Janaayo 21, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...