hadal qoraalka wasiirka warfaafinta xfs mudane Daud Aweisย ee ku aaddan ansixinta ku biiritaanka soomaaliya ee urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga africa EAC
Taariikh cusub ayaa u qormeysa. Shir Madaxeedka 23-aad ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika waxaa uu magaalada Arusha ee dalka Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania ku ansixiyay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah xubin uga noqoto ururka, noqotana xubintii 8aad ee urur goboleedka.
Marxaladdan muhiimka ah ,waxa ay daliil u tahay dedaalka hagar laโaanta ah ee uu muujiyey madaxweynaheenna Dr Xasan Sheekh Maxamud oo fulinaya qeyb ka mid ah siyaasadda arrimaha dibedda ee โโSomali dunida iyo deriskeedaba heshiis la ahโโ, iyo weliba dadaallada adag ee ay dowladeena iyo shacabka Soomaaliyeed gacanta uga wada geysteen ka mira dhalinta gaarista hadafkan.
Go’aanka ah in Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqoto ururkan sharafta leh waxa ay muujinaysaa sida wadajirka ah ee madaxda iyo shacabka Bariga Afrika uga goโan tahay kobcinta horumarka, xasilloonida, iyo iskaashiga gobolka.
Runtii waxaa sharaf iyo qadarin mudan kalsoonida iyo taageerada ay na siiyeen dowladaha xubnaha ka ah ururkan. Inagoo og in xubin ka noqoshada ururkan ay ka ratibmeyso waajibaad iyo door waxqabad, ayaa waxaan caddeynayaa inaan diyaar u nahay inaan gudano mas’uuliyadda inooga aaddan, isla markaana aan ka dhex muuqano sameynta goโaamada masiiriga ah ee gobolka Bariga Afrika.
Waxaa naga go’an inaan la imaano wax-qabad wanaagsan oo macno leh kaas oo Somalia ka sokow ay ka faaโiideysan doonaan guud ahaan dadyowga gobolka, inagoo raaceyna nidaam la isla oggol yahay oo danaha Somalia ay si weyn uga muuqdaan.
Waxaan aaminsanahay in haddii la helo iskaashi, isfaham iyo wadashaqeyn, inaan si wadajir ah u gaari karno xasillooni iyo horumar waara oo ka hanaqaada deegaankeenna. Si wadajir ah, waxaan uga shaqeyn doonnaa mustaqbal ifaya oo barwaaqaysan oo waxtar u leh dhammaan dadyowga gobolka ku nool.
Waxan u mahadcelinaynaa Dowladda Jamhuuriyadda Midowdey ee Tanzania oo si maqam sare leh noogu soo dhoweysay magaalada Arusha, iyo dhammaan madaxda kale ee ururka ee goโaankaan taariikhiga qalinka ku wada duugay.
