Dowladda hoose ee Xamar oo howlo biyo saaris ah ka samaysay Caasimadda

Date:

Dowladda hoose ee Xamar ayaa caawa fulisay howla ballaaran oo biyaha looga qaadayo qaar kamid waddooyinka Caasimadda oo ay biya dhigeen Roobabkii da’ay saacadihii u danbeeyay.

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo kormeeray goobaha howluhaasi laga fuliyay ayaa sheegay in ka maamul ahaan ka go’an tahay la tacaalidda biyaha fariista meelaha godan ee Caasimadda.

Dowladda hoose ee Xamar ayaa howlo biyo saaris ah ka qabatay goobo ay ka mid yihiin KM4 , Ceel qalow iyo xaafado ka tirsan Xamar-jajab, Wadajir iyo Waaberi, halkaas oo saacadihii lasoo dhaafay ay biyo dhigeen roobabkii ugu dambeeyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...

Guddoomiyaha BFS oo dhambaal hambalyo ah ka helay Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Boqortooyada Baxrayn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...