Madaxweynayaasha Shiinaha iyo Mareykanka oo maanta kulmaya

Date:

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa booqashadiisii ugu horreysay ku tagay dalka Mareykanka muddo lix sano ah,kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu sheegay in hadafka uu ka leeyahay wada-hadallada laba geesoodka ah ee toddobaadkaan uu yahay sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen xiriirkii caadiga ahaa ee ay la lahaayeen Beijing,

Xi ayaa lagu wadaa inuu maanta San Francisco  kula kulmo Biden, ka hor inta uusan ka qeybgalin shir madaxeedka sanadlaha ah ee 21-ka xubnood ee iskaashiga dhaqaalaha Aasiya Pacific-ga (APEC).

Shir-madaxeedkan ayaa daba socdaa shirar heersare ah oo lagu diyaarinayey gogol xaadhka, ka dib markii ay xiisad la xiriirtay arrimaha ganacsiga, xuquuqal insaanka iyo kuwo kale ay soo kala dhex-galeen Mareykanka iyo Shiinaha.

Biden ayaa u sheegay saxafiyiinta Aqalka Cad in hadafkiisu uu yahay inuu hagaajiyo xiriirka laba geesoodka ah ee ay la leeyihiin Shiinaha.

Waa booqashadii ugu horeysay ee uu ku tago Mareykanka tan iyo 2017 markaas oo uu la kulmay madaxweyne Donald Trump.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo billad sharaf Qaran guddoonsiiyey dhiggiisa dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay haweenka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka,...

Wasaaradda Beeraha oo Magacaabay Guddiga xog-ururin ku soo sameeya Suuqyada Khudaarta soo dhoofiya.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa magacaawday guddi shaqo oo...