Madaxweynayaasha Shiinaha iyo Mareykanka oo maanta kulmaya

Date:

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa booqashadiisii ugu horreysay ku tagay dalka Mareykanka muddo lix sano ah,kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu sheegay in hadafka uu ka leeyahay wada-hadallada laba geesoodka ah ee toddobaadkaan uu yahay sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen xiriirkii caadiga ahaa ee ay la lahaayeen Beijing,

Xi ayaa lagu wadaa inuu maanta San Francisco  kula kulmo Biden, ka hor inta uusan ka qeybgalin shir madaxeedka sanadlaha ah ee 21-ka xubnood ee iskaashiga dhaqaalaha Aasiya Pacific-ga (APEC).

Shir-madaxeedkan ayaa daba socdaa shirar heersare ah oo lagu diyaarinayey gogol xaadhka, ka dib markii ay xiisad la xiriirtay arrimaha ganacsiga, xuquuqal insaanka iyo kuwo kale ay soo kala dhex-galeen Mareykanka iyo Shiinaha.

Biden ayaa u sheegay saxafiyiinta Aqalka Cad in hadafkiisu uu yahay inuu hagaajiyo xiriirka laba geesoodka ah ee ay la leeyihiin Shiinaha.

Waa booqashadii ugu horeysay ee uu ku tago Mareykanka tan iyo 2017 markaas oo uu la kulmay madaxweyne Donald Trump.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...

Guddoomiyaha BFS oo dhambaal hambalyo ah ka helay Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Boqortooyada Baxrayn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...