Saraakiil Maraykan ah oo ka soo horjeestay taageerada Biden uu siiyo Isra’iil

Date:

In ka badan 400 oo Sargaal oo Maraykan ah, kana shaqeeya qaybo kala duwan ee Ciidamada dalkaas ayaa ka soo horjeestay taageerada uu Madaxeyne Joe Biden, siiyo Israa’iil, si ay ugu kaashato weerarrada ka dhanka ah Marinka Qaza.

Saraakiishan ayaa warqad u diray madaxweyne Joe Biden, iyagoo ugu horeeyn dhaliilay siyaasadda dowladda ee ku aaddan taageerada Israa’iil.

Sida uu qoray wargeyska “The New York Times” Talaadadii, saraakiisha aya qoraalkooda ku muujiyay sida ay uga soo horjeedaan taageerada Maraykanka uu la garab taaganyahay dagaalka Isra’iil ay ku hayso magaalada Qaza.

Wargeysku wuxuu soo xigtay laba sargaal oo ka qaybqaatay diyaarinta warqadda iyo u dirista Biden, kuwaa oo sheegay in badi saxiixayaasha ay yihiin Sarakiil ka howl galo hay’ado kala duwan, sida FBI-da, golaha Amniga Qaranka iyo Wasaaradda Cadaaladda.

Noxurka Qoraalka loo diray Biden ayaa u qornan sidan: “Waxaan ugu baaqaynaa Madaxweynaha inuu si degdeg ah u dalbado xabbad-joojin, si dadka dhibateysan loo gaarsiiyo gargaar bani’aadamnimo oo ku filan, inuu ka shaqeeyo in dib loo soo celiyo adeegyada biyaha, korontada iyo dhamaanba adeegyada kale ee muhiimka u ah magaalada Qaza iyo inuu ka shaqeeyo is dhaafsiga Maxabiista ay kala haystaa Israa’iil iyo Falastiin”.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo...

Danjiraha Soomaaliya ee Geneva oo Ka Qaybgalaya Doodaha Heerka Sare ee Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Xarunta Qaramada Midoobay...