Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gaaray dalka Turkiga

Date:

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin oo ay wehliyaan Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/lle Sare Mahdi Cumar Muumin iyo Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada Gaashaanle Dhexe. Maxamed Cabdi Wahaab (Anwar) ayaa safar shaqo ku gaaray Magaalaxa Ankara ee Caasimada Dalka aan walaalanahay ee Turkiga.
Safarka ayaa daarnaa iskaashi iyo adkeynta xariirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Boliiska Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.
Taliyaha iyo waftigiisa ayaa kulan la qaatay taliyaha Boliiska dalka Turkiga Sarreeye Guuto Dr. Salmi Altinok, oo ku soo dhaweeyay Xarunta Taliska Dhexe ee Boliiska Dalka Turkiga.
Qodobada ugu waaweyn ee la gorfeeyay ayaa ah kordhinta tayeynta Xirfadaha Boliiska iyo tirada iyo Tayada Ciidanka Boliiska gaarka ah ee Haramcad kuwaas oo ay taakuleeyaan Ožil Harakat Boliiska gaarka ah ee Dalka Turkiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...