Hay’adda SoDMA oo raashiin ka qaybisay Baydhabo

Date:

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa maanta 400 oo qoys oo ku nool magaalada Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed gaarsiisay deeq raashin ah, kuwaas oo ay saameeyeen daadadka ElNiño ee dhowaan halkaasi ku dhuftay.

Dadka iyo qoysaska raashinka loo qeybiyay ayaa ka koobnaa kuwo danyar ah iyo dadka jilicsan sida, naafada ,haweenka , wayeello, kuwaas oo laga soo kala xulay xaafadaha iyo xerooyinka barakacayaasha ee ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo.

Qoysaskan ayaa Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka uga mahad celiayay deeqda la gaarsiiyay, waxaana qeybinta deqda goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin ka kala tirsan SoDMA iyo Maamulka Magaalada Baydhabo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...