Dalalka Chile iyo Colombia oo ku dhawaaqay in Isra’iil ay kala baxayaan safiiradooda

Date:

Dalalka Chile iyo Colombia ayaa ku dhawaaqay fiidnimadii xalay in safiiradooda ay kala baxayaan Israa’iil si ay u muujiyaan gardarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ku hayso Falastiin, gaar ahaan magaalada Qaza, kaas oo horseeday dhimashada dad  ka badan 8,500 ruux oo u badan Haween iyo Carruur.

Madaxweynaha Chile Gabriel Boric, ayaa ku dhawaaqay in Isra’iil uu kala baxay safiirkii halkaasi u joogay sababa la xiriira gardarrada ay ku hayso magaalada Gaza.

Dhankiisa, madaxweynaha Colombia Gustavo Petro, ayaa ku dhawaaqay in Dowladiisa ay u yeertay safiirkii u fadhiyay Israa’iil, si ay u muujiyaan sida ay ugu soo horjedaan dhibaatada iyo xadgudubyada Isra’iil ay ku hayaan shacabka reer Falastiin

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qeybgalaya shir heer wasiir oo ka socda Dooxa

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya,...

Dib-u-furista Xarumaha Diiwaangelinta Dadweynaha ee Gobolka Banaadir

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha (GMDQS)...

Hay’adda SoDMA oo kulan xog-wareysi ah ku qabatay Laaacaanood

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Guddoonka Baarlamaanka oo sheegay in kalfadhiga 7-aad furmi doono 20-ka bishan

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...