Dowladda Federaalka oo qorsheyneysa dib u dayactirka Kannaalka Saabuni ee magaalada Jowhar

Date:

Agaasimaha Yareynta Saboolnimada iyo Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Zahra Cabdi Maxamed oo ka mid aheyd wafdi ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Jowhar kulan kula qaatay Madaxweynaha Hirshebelle, Mudane Cali Guud-laawe Xuseen.

Kulanka ayaa looga hadlay dayactirka Kannaalka Saabuni oo qeyb ka ah hirgelinta mashruuca biyo xireenka Jowhar oo ujeeddadiisu tahay in laga hortago fatahaadda webiga iyo sidii guud ahaan xal waara loogu helo dadka barakaca ee ku nool webiga Shabeelle jiinkiisa iyo agagaarka kanaalka.

Wafdiga ayaa ka koobnaa xubno ka socda Wasaaradda Beearaha iyo Waraabka, Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta, Wassaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada , Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha iyo qaar ka mida hay’adaha Qaramada Midoobay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY RA’IISUL WASAARAHA ITOOBIYA.

Addis Ababa, Diseembar 19, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya oo Ankara kula kulmay dhiggiisa Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...