Guddoomiye Abshirow oo kulan la qaatay Guddoomiye ku-xigeenka Barlamaanka dalka Angola

Date:

Guddoomiye Ku-Xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow Ayaa maanta magaalada Luanda kula kulmay Guddoomiye ku-xigeenka Barlamaanka dalka Angola Mudane Raul Augusto Lima waxaana ku wahlinayay Xildhibaanada labada golle ee BJFS Xoghayaha Guud Ee Aqalka Sare Xoghaye ku-xigeenka Golaha Shacabka BJFS.

Guddoomiye Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa ugu horeyn Guddoomiye Ku-xigeenka Barlamaanka Dalka Angola ugu warbixiyay xaladda Guud ee dalka Soomaaliya isagoona dhigiisa Angola ka dhageystay warbixin ku saabsan Xaaladda Guud ee dalka Angola iyo Shirka 147aad Ee barlamaanka Aduunka sida ay ugu diyaar garooween martigilinta Shirkaan Caalimiga ah oo noqonaya Markii ugu horeysay oo wadan Afrcan ah lagu qabto doorashada IPU

Kulanka ayaa looga hadlay sidii ay xiriir iyo wadashaqeyn u yeelan lahaayeen Baarlamaaka Soomaaliya iyo kan dalka Angola isla-markaana ay labada baarlamaan iska kaashadaan dhinacyada horumarka

Sidoo kale Waxaa Magalada Luanda ee wadanka Angola ku soo gabagabobay maanta Shirkii 147aad ee Baarlamanka Adunka Waxaa lagu doortay Madaxweynaha IPU waxaana ku guuleystay xildhibaan Tulia Ackson una dhalatay dalka Tanzania

Gabagabadii Guddoomiyaha ayaa umahadceliyay dhigiisa Angola Soodhaweynta balaaran uu usameeyay asiga iyo wafdigiisa waxa uuna guddoon siiyay Haddiyad uu kasiday jaaliyada Angola Dhankiisa Guddoomiye ku-xigeenka barlamaanka Angola ayaa silamid ah guddoon siiyay Guddoomiyaha Haddiyad iyagoona balan qaaday in ay sii xoojin doonaan wadashaqeynta labada baarlamaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...