Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay duubabka dhaqanka ee Gobolka Bakool.

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay kulan la qaatay duubabka dhaqanka ee Gobolka Bakool.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa duubabka dhaqanka ee Gobolka Bakool ka dhageystay warbixin ku saabsan xaalada deegaanka oo ay ugu horreeyaan amniga, waxbarashada, iyo adeegyada kale ee bulshada, iyadoo ay dhaqanku sheegeen in ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonaan abaabulka lagu ciribtirayo kooxdan arxan-laawayaasha ah ee Khawaariijta.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa duubabka dhaqanka Gobolka Bakool ku ammaanay sdkeysiga iyo xoojinta dadaalada ay ku doonayaan inay in kooxda nabadiidka ah isaga xorreeyaan si deeganadaan ay dib ugu soo laabtaan dhammaan adeegyada kala duwan ee dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo...