Haniya: Iska caabintu way sii socon doontaa ilaa Gumeesiga uu ka baxo dhulkeena xurmada leh

Date:

Madaxa Xafiiska Siyaasadda dhaqdhaqaaqa wax iska caabbinta Islaamiga ah ee Xamaas, Ismaaciil Haniya, ayaa sheegay in xasuuqii ay Ciidamada Isra’iil ka geysteen Isbitaalka magaalada Qaza uu caddeeyn u yahay  naxariis darada Isra’iil iyo baaxadda jabka gaaray.

Ismaaciil Haniya, oo la hadlayay Warbaahinta ayaa Carrabka ku adkeeyay in xasuuqa Yahuudda aanay wiiqi doonin go’aanka dadka reer Falastiin, ee jecel xoriyadda dhulkooda iyo dalkooda,” isagoo intaa ku daray in iska caabbintu ay sii socon doonto ilaa gumaystaha uu ka baxo dhulkooda.

Madaxa siyaasadda Xamaas, ayaa ugu baaqay dhammaan shucuubta Islaamka inay garab istagaan Shacabka Falastiin, isagoo sidokale ugu baaqay Qaramada Midoobay, Golaha Ammaanka, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, iyo dhammaan ururada caalamiga ah inay cambaareeyaan daadinta dhiigga Shacabka reer Falastiin.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...